Dowladda soomaliya oo ka duuleysa Culayska ka haysta weerraradda ka imaanaya Ururka As ayaa Todobaad kahor codsi u dirtay dowladda itoobiya oo qayb ka ah Nabad ilaalinta iyo xasilloonidda soomaliya waxeyna madaxda soomaliya ka codsadeen Saaxiibbadda itoobiya in halis ku jiro Xaaladda amni ee dalka lagana caawiyo duqeymo hawadda ah si loo yareeyo weerraradda joogtada ah ee ku sii fidaya shabbeelooyinka ilaa gobolka Banaadir oo halis amni wajahaya,
Soomaliya warqadda duqeynta saddex goobood in loo duqeeyo oo aan gireedkooda la hayn, iyo yoolkooda Saxda ah ayey ku qortay, waxa ay xustay in loo duqeeyo xarumahan?
1:kow magaladda Jilib”
2:labo magaladda saakoow”
3″ sadex Tooro,tooroow, oo ah xatunta shirrarka Ururka,
Goobaha ku xusan duqeynta codsiga madaxda dowlada soomaliya ma hayaan xogta cida joogta iyo yoolka ujeedka cida la duqeynaya.,
Maarso lix iyo tobankeeda, Axadnimaddii shalay ayey dowladda itoobiya Duqeyn cirka ah ka fulisay magaladda Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe waxa ayna adeegsatay foostooyinka halista ah ee baraamiil, lagana buuxiyay walxaha qarxa Si kabaxsan Bini’aadantinimada ayaaa loo burburiyay suuqa magaladda goobaha ganacsiga iyo xarumaha ay bulshada kubadan tahay, waxa hubaal ah in uusan hal ruux oo katirsan Ururka ku geeriyoonin nasiib darro se waxa la duqeeyay dadkii rayidka ahaa ee awalba kooxda jaho wareerisay una baahnaa gurmad oga imaado dowladooda soomaliya,
Kooxdu madaxdeedda ma joogan magalooyinka shirna kuma qabsadaan meel banaan iyo magaalo toonna maangaabnimadda dowladda ayaa kadaran beegsiga geesawaynta Ururka iyo qaabka loo wajahaya in la duqeeyo haldoorka Shabab , haddii bulshaddii dhibaatooyinka ku dhax jooggay kooxaha argagixiso aanu duqeyn ugu darno yaa u maqan maatida ku sugan gudaha magalooyinka ay haystaan kooxda,
Wasiirka gaashaandhiga soomaliya iyo midka warfidiyaha Soomaaliya ayaa shalay bartooda baraha bilshadda ku daabacay in weerrarku yahay jawaabtii qaraxyadii Zoobbe, Xaasha,lilaahi, Aqliga dadka lataliyaha u ah Xassan sheekh, xilalka muhiimkana u haya,
Rajo ma leedahay soomaliya?