Taag iyo Tabar yarida Dowladda Soomaaliya?

Ahmiyad gaar ah iyo Xiiso toonna maleh”

Shalay waxa warbaahinta kasoo Muuqday Madaxa Ciidanka Xabsiyadda Soomaliya Jeneraal Cabdiraxmaan mahad, Waxa uu hor taagnaa Boqol iyo dhawr askari oo Kamida Ciidanka Asluubta, hadallo dheerrigallin ah ayuu kahor jeediyay Faylka askarta isagoo Carabka ku dhuftay Inay qayb ka noqon doonnaan dagaalka jiidda hore kasocda labada shabbeelle iyo Gobolka Banaadir,

Khodbadda Taliyaha waxa ay u Muuqatay Mid ka turjumaysa Ciidan la aanta haysata Dowladda iyo Fashilka Soo wajahay dagaalka, Muddo labbo Sano ah oo uu dagaalka Socday waxa Muuqata in maanta Kooxaha Argagixiso qarka u Saaranyihiin Caasimadda iyadoo in kayar 30KM ay Weerraro halis ah ka gaysanayaan,

Dowladda dhanka Diblomaasiyadda Way ku Fashilantay dhanka dagaalkana waa looga adkaan rabaa marka la eego Hugaamin Xumadda Xukumaadda Dan-qaran iyo Ta Madaxweynahaba, Haddii aanay isbedel Hugaamineed iman Soo halis Amni wajihi mahayaan kuwa Ree tabareedka ah ee Dowladda Afka ka Taageero, waxan ka hadlayaa Muwaadiniinta Hiil iyo hooba baraha bulshadda kala garab taagnaa Dowladda Taagta daran ee Madaxweyne Xassan sheekh Maxamuud,

Waxaan ku baaqayaa in Dalka la badbaadiyo loona jaheeyo Midnimo Umaddeed Si loo wajoho Cadowga daneynaya Rabshadaha ka dhanka ah Hananka Dowladnimo,

Qofba qofka uu ka Taag iyo Tabar xumaa ayuu Madaxweynaha Xasan sheekh iyo Wasiirkiisa koowaad u dhiibayaan Masuuliyad wadareedyadda muhiimka ah,

Ma arag Masuuliyadd “discont: loo Sameynaya Si Hugaamin xumadda u sii socota,

Jeneraal Cabdiraxmaan mahad. Taliyaha Ciidanka Asluubta?

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top