Aragtida Siyaasiyiinta ku haddasha afka Soomaaliga?

Gudoomiyihii Hore ee Xisbiga Ucud Soomaliland Eng Faysal Cali Waraabe ayaa bartiisa X,Twitter ku taabacay Warbixin la xiriirta dagaalkii Saaka Aroornimaddii hore ka billowday Degmadda Aadanyabaal ee Gobolka shabbeelladda dhexe, Gudoomiye Eng Faysal Cali waraabe ayaa Xusay in Bisha,May ilaa Ugu danbeyn Bisha Juun ay Kooxaha Argagixiso La wareeggi doonaan Xukunka Koonfurta, Tan iyo dowlladii kacaanka kadib,

Waxa kaloo Uu Xusay in kooxda As ay Dunidda la macmileyso waayadii danbe sii looga Saaro liiska-madow” Waxa jiro heshiis hoose oo ay galeen Mareykanka iyo Kooxda As, isbedel Xukun ayey Sameysay Kooxda Tan iyo Bishii January ee Sannadkan,

Sidoo kale Maanta waxa degmadda “Shangaani, ee Gobolka banaadir iska diiwaangalliyay Raysal Wasaaraha haatan Xafiiska joogga iyadoo Sawirka lagu sheeggay in Uu qaatay kaarka Codbixinta, Raysal Wasaaruhu Ma Uu haysto National-ID” Aqoonsiga Juquraafiyaddeed ee Muwaadinka, Hadda Ogow dowladdu waxey leedahay waxa Coddeynaya Muwaadin aan lahayn National-ID”

Si kastaba Raysal Wasaaruhu Waxa Uu Saaka ku jiray Safka Hore ee Qaadashadda kaararka, iyadoo Degmadda Aadanyabaal ay gacanta ku dhiggeen Saaka Aroornimaddii Hore kooxaha isku sheegga inay yihiin jihaadiyiin haya dhabbihii Nebiga Naxariis iyo Nabbadgalyo-korkiisa ha ahaatee”

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top