magaciisu waa Saalax ismaaciil Nuur da,diisu waxey ahayd 57 jir ku dhashay magaladda gar-adag ee waqooyi Soomaliland isagoo waxbarashaddiisi dugsiga hoose dhexe kasoo qaatay degmadda sheekh,kolkii danbena dugsiga sare ku dammeeyay magaladda ceerigaabo, ee gobolka Sanaag,
Salaax ismaaciil Nuur oo ku magac dheeraa (Saalax bad-baado ayaa kamid ahaa xildhibaanadii kumeel gaarka ee dowladii sheekh Shariif ilaa dowladdii lagu soo dhisay carte, sannadii 2000, ilaa 2009-kii ayuu ahaa mudane baarlamaan oo ku jooggay golaha metelaadda goboladda waqooyi,
Saalax bad-baado waxa uu bishii july 2016-kii isku qarxiyay xarunta madiina-gate, ee magaladda muqdisho, sidda ay markaasna hey,adaha ammaanka iyo Caafimaadka caddeeyeen ma badnayn Khasaaraha geeridda uu gaystay naftihii haligaha,
sannadkii 2010-kii bishii April ayuu Saalax bad-baado si toos ah ugu biiray kooxda As walow ay kooxda taariikh Nololeedkiisa ku sheegtay inuu xataa tababaro caalami ku soo qaatay meelo kale oo ay kooxda u dirsatay, laakiin waxa uu Si rasmi ah hawlgaladda ugu taggay 2010′ isagoo kaga biiray shabbeelaha hoose, ilaa uu kolkii danbe afar sano kadib is qarxiyo,
maktabka uu ka tirsanaa ayaa baahiyay isla maalinta uu is qarxiyo maalintii xigtay Taariikh-nololeedkiisi iyo noloshiisi waxbarasho,
sidda ay kooxdu qirtay Saalax ismaaciil Nuur waxa uu ka qallin jabiyay muddo hal Sano ahna ku xareysnaa machadka Culuumta Sharciga ee Cabdalla Cazaam, sidoo kale Wuxuuna la soo shaqeeyey Makaatibta kala duwan ee uu ka mid yahay Maktabka Dacwada, Maktabka Tacliinta, Maktabka Ashbaalka, iyo Maktabka Istish-haadiyiinta oo uu hadda ka tirsanaa ka hor inta uusan howlgalkan fulinin,
waxa laga dheehan karaa halkaas in kooxda As goleyaasha dowladda ku leeyihiin xubno firfircoon, oo ariimaha Siyaasadda ugu jira,
