Sidda uu ula falgalay kooxaha argagixiso?

Magaciisu waa mohamed Daahir Ibraahim, loona garan ogyahay (Carab) waxa Uu kamid noqday dhammaadkii Sanadkii 2009-kii Ururka As isagoo kamid noqday ilaalada gaarka.ah ee sheekh Xassan Cabdullaahi Xirsi,Al-Turki,) 27-kii jannaayo 2025ka waxa uu kasoo muuqday Maxkamadda Ciidamadda Jubbaland isagoo qiranaya inuu Ururka kamid ahaa balse wakhti hore ugu dambeysay,

Mohamed Daahir Ibraahin, waa 36 jir kuna dhashay magaladda Dhoobleey ee gobolka jubbada hoose ee xadka keenya iyo soomaliya, (Abu carab) sannadkii 2015kii ayuu isaga soo baxay Ururka waxa uuna isku soo dhiibay Dowladda Jubbaland balse ma uusan noqonin daacad ee waxa uu xiriiro kale iyo xogo Sirdoon la wadaagay Kooxda Daacish ee ka dagaalanta bariga Puntland ilaa uu kolkii danbe toos ugu biiray noqdayna dagaalame qoriga qaata, waxa uuna toos u tagay buuraleyda Calmiskaat,

Muddo Saddex Sano iyo dheeri ah ayuu si daacad ah kooxda ugu adeegay jawaasiisnimo iyo military ahaanba, Goboladda Puntland ayuuna kaga shaqeeyay magaca Daacish oo Ugub ku ah gayiga soomaliyeed, Saddex sano kadib (Abu carab) waxa uu la qabsan waayay Cimiladda iyo cidladda buuraleyda Calmiskaat, waxa uuna door biday in uu deegaankiisi dib ugu soo laabto, 2019″ ayuu kismaayo soo Caga dhigtay waxa uuna kamid noqday Ciidamadda Jubbaland si uu dhagartii isaga baa,biyo mudo ayuuna kamid ahaa ilaa kolkii danbe laga rusqeeyo faylka ciidanka,

(Abu carab) Xiriir kale ayuu dib ola yeeshay Ururka As, waxa uuna bilaabay lashaqeynta iyo. Siinta xogo muhiim ah waxa uuna bixiyay Xogo iyo qorsheyaal Lagu weerari karo Huteeladda magaladda kismaayo, muuqaalo iyo qariiradddii hawlgalka lagu fulin lahaa ayuuna kooxda lawadaagay, ilaa ay Hey,adaha amniga oo Sirdoonkoodu Sareeyo ay macluumaadkiisa helaan, asaga iyo dhowr kale Xabsina lagu rido,

Mohamed Daahir Ibraahin, 27-kii jannaayo ayuu kasoo muuqday Maxkamad Ciidan haase ahaatee Xukun weli kuma uusan dhicin,

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top